Gaalkacyo[RBC Radio]Munaasabad ballaaran oo ay si heer sare ah u soo agaasintay xarunta Waxbrashada Nabada & Hormarinta Gaalkacyo ee GECPD islamarkaana lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Deegaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Gaalkacyo.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka gobolka Mudug,maamulka deegaanka Halla-booqad iyo qeybaha bulshada ku nool deegaanka Halla-booqad oo ay munaasabadu ka dhacdey.
Xuska maalinta deegaanka ayey xarunta GECPD ku qabatey deegaanka Halla-booqad oo ka tirsan magaaladda Gaalkacyo ayna ku nool yihiin kumanaan qooys oo barakacayaal iyo danyar isugu jirta.
Waxaa lugu soo bandhigey munaasabada dhir aad utirabadan oo lugu talagaley guud ahanba in lugu beero deegaanka Halla-booqad iyadoona qoysaska deegaanka guud ahanba looqeybiyey dhirtii ay xarunta GECPD ugu tala gashey in lugu beero guud ahanba deegaanka.
Xaawo Jaamac Yuusuf oo ka mid ah masuuliyinta Xarunta Waxbrashada Nabada & Hormarinta Galkacyo ee GECPD oo dahfurkina munaasabadana hadal ka jeedisey ayaa xusay in maantey ay tahay maalin muhiim uu ah deegaanka oo idil GECPD na ay u qorsheysey si loo go hortago barakaca deegaanka in guud ahanba dhir lugu beero taaso sahleysa sida ay sheegey in deegaanku uu noqdo mid badqaba.
Xaawo Jaamac Yuusuf ayaa sidoo kale hadalkeda ku soo qadey in dhirtaan ay maantey siyeen dadka degan Halla-booqad ay ugu tala galeen in lagu ilaalinayo Deegaanka,waxana dhinaca kale ay hadalkeeda ku soo qadey in xiligaan loo bahanyahay in laga hortago isticmaalka bacaha iyo caagadaha dibna logu loobto isticmaalka aqabkii hadaha iyo dhaqanka Soomaalida iyadoona munaasabada lugu soo bandhigey agabyo kala gadisan oo Soomaalidu dhaqan ulahed kuwaaso lugu buxinayo isticmaalka bacaha iyo caagadaha.
Guddoomiyaha deegaanka Halla-booqad Cabdulahi Xassan Maxamed Cirfe ayaa isna dhinacisa sheegey in uu ad ugu faraxsanyahay in deegaanka Halla-booqad ay ka dhacdoo munaasabadan ballaaran ee lugu xusayo maalinta deegaanka,waxana uu siweyn ugu mahadceliyy xarunta GECPD oo uu shegey in deegaanka ay ka hirgalisey mashruucyo farabadan isla markaana ay utagantahay hormarinta dadka iyo deegaanka.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey” oo khudbadda xeritaanka munaasabadda jaadiyey ayaa farta ku fiiqday in loobahan yahay in dadka deegaanka ay si isku mid ah uga hortagan nabaad guurka lagu hayo deegaanka,maadama deegaanka uu yahay nolasha as aasiga ee bini aadanka,waxana uu uga mahad caliyey GECPD dadaalka dher ee ay ugu jirto hormarinta bulshada.
Gudoomiyaha ayaa madasha ku beerey geed uu ugu magacdarey “MURUGO”isgoona sheegey inuu geedka katurjumayo dhibaatadda heysata ummaadda Soomaaliyey gar ahana dhibaatadda lugu hayo ganacsatada Soomaaliyed ee ku nool dalka K/Afrika waxana uu intaa guddoomiyuhu ku darey in wax laga dhiidhiyo ay tahay ganacsadihii dhawaan sida xun logu diley guddaha dalkaasi K/Afrika.
Sidoo kale munaasabada intaa ay soo cotey waxaa lugu soo bandhigey ciyaar kubadda cagta ah taaso ay wada ciyaaren kooxda Buulo-bacley iyo koox mataleysey deegaanka Halla-booqad waxana ciyaarto ad u xisoo badned guusho ay racdey kooxdi ka socotey kamka Buulo-bacley.
Maalinta Deegaanka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan 5-ta bisha June,waxana xuska munaasabada ee Gaalkacyo ka dhigtey gabatey xaruunta hormarinta ee GECPD.
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo