Muqdisho(RBC Radio) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadashay dadka lagu soo qabqabto hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan magaalada Mudisho kuwaas oo aan iyaga oo aan maxkamad la saarin muddo dheer lagu hayo xabsiyada dowladda Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ahna afhayeenka maxkamadda C/llaahi Maxamed Muuse Kayse oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay ineysan maxkamaddu hadda kadib u dulqaadan doonin cabashada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta dadka lasoo qabto ee xabsiyada iskaga jira iyada oo aan la maxkamadeyn.
Kayse ayaa hoosta ka xariiqay ineysan ahayn wax la qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan xabsiga lagu hayo wax ka badan 24 saac iyada oo aysan maxkamadi xukumin,wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee eheladoodu ay ku jiraan xabsiyada dowladda iney la soo xiriiraan maxkamadda si ay wax ugu qabato,xeer ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday iney tallaabo adag ka qaadi doonaan hay’addi mawaadin Soomaaliyeed si sharci darro ah xabsi ugu haysa.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa dhanka kale digniin u diray askarta direes la’aanta hubka magaalada ku wata iyo kuwa soo xirta direeska aan dhamayska tirneen,wuxuuna sheegay iney ka warhayaan askar ka tirsan kuwa dowladda oo gaadiidka lacago si qarsoodi ah uga qaada gudaha caasimadda Muqdisho,wuxuuna wacad ku maray iney arintaas ku ciqaabi doonaan saraakiisha ay hoos tagaan askarta anshax xumada iyo dhibaatada ku haya shacabka.
Hadalka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii danbe cirka isku sii shareeraysay eedaha loo jeedinayo ciidanka dowladda,waalidiin badan oo ilmahooda lagu soo qabqabtay hawlgallada ka socda Muqdisho ayaan muddo Isbuucyo ah arkin ilmahooda,waxayna sheegeen inaan ilaa hadda si cad loo sheegin waxa ay carruurtoodu u xiran yihiin marka laga reebo in la tuhmay arintaaso oo ay si weyn uga cawdeen bulshada ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho