Muqdisho(RBC Radio) Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Muqdisho wafti ka socda wasaaradda gaashaandhigga dalka Masar oo shalay soo gaaray caasimadda Muqdisho,waftiga ka socda dalka Masar oo uu hogaaminayo Safiirka Masar ee Soomaaliya Ayman Magdi iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta ka socda dowladda Masar uu ku saabsanaa sidii ay labada dal gaar ahaa wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Masar ay u yeelan lahaayeen iskaashi joogto ah.
Wuxuuna tilmaamay wasiir ku xigeenku in dalka Masar uu gacan weyn ka siinayo dowladda Soomaaliya sidii loo tayayn lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,Axmed Maxamed ayaa intaa ku daray in waftigani ay dalka u yimaadeen sidii ay gacan weyn u siin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed.
Ayman Magdi oo ah safiirka dalka Masar u fadhiya wadanka Soomaaliya oo isne ka hadlay kulanka ay la qaateen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney ka wada hadleen sidii uu dalka Masar u taageeri lahaa dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya ee lagu dhisayo cududa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Magdi ayaa intaa raaciyey in xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar uu waligii ahaa mid soo jireen ah,isla markaane uu waligiis ahaan doona sidiisa,wuxuuna tibaaxay in Masar ay dib u dhis ku samayn doonto xeryaha ciidamada Soomaaliya,xarumaha ciidanka iyo qalabaynta xafiisyada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho