Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo sheegay iney warbaahinta usoo bandhigayaan muuqaalka sarkaal ka tirsan AMISOM oo ay sheegeen iney gacanta ku hayaan

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha alshabaab ugu magacaaban gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Abu Cabdalla oo la hadlay warbaahinta ku hadashaa afka alshabaab ayaa sheegay iney hayaan sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidan la socday  kuwaas oo ay ku qabteen dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida uu tilmaamay.

Abu Cabdalla ayaa sheegtay in dagaalka ay ku qabteen sarkaalkan iyo ciidanka wehlinaya  ay dhibaato lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidanka AMISOM,wuxuuna daboolka ka qaaday iney goobtaas ku digeen 9 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee garabka milateri siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Gudoomiya alshabaab ee Shabeelaha Hoose Sh. Maxamed Abu Cabdalla ayaa sheegay iney goordhow soo gudbin doonaan muuqaalka sarkaalkan uu sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ee ay gacanta ku hayaan.

Shalay ayey ahayd markii alshabaabku ay arintani ku sheegeen war ay soo dhigeen bogga bulshadu ku wada xiriirto ee Twitter-ka iney hayaan sarkaal ka tirsan AMISOM iyo ciidan uu watay.

Ma jiro war ku saabsan sheegashada alshabaab oo kasoo baxay taliska AMISOM,alshabaab ayaa guulo ka sheegta dagaalo ay la galaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles