Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegay inuu waan-waan ka dhex bilaabayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu awoodo isu keenka labadooda isla markaane uu ka dhex bilaabayo wada hadal si la iskugu soo dhawaado,wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay inuu dhammayn karo ismaandhaafka dowladda Federaalka iyo maamulka lagu doortay Kismaayo ee Jubaland kaasoo ay dowladdu diiday iney aqoonsato isla markaane ay ku tilmaanat mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneen dastuurka dalka.
Faroole ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaatay madaxda ugu saraysa dalka Kenya isla markaane uu u sheegay in hannaanka dowladda federaalka ee jubooyinka uu yahay mid gabi ahaanba qaldan,kana baxsan dastuurkii lagu heshiiyey,”dowladdu xaq umala laha iney gobolada dalka maamulo u magacawdo,waxay dowlad ku tahay iney dhisto maamul goboleedyada dalka” ayuu yiri C/raxmaan Faroole madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.
“maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe waa mid aan taageersannahay oo aan waafaqsannahay” ayuu yiri Faroole.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole madaxweynaha maamulka Puntalnd ayaa si kulul u weeraray aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku wajahan Jubooyinka,wuxuuna tibaaxay in dowladdu aysan xaq u lahayn iney faragaliso dhisida maamul goboleedyada balse looga baahan yahay iney fududeyso oo kaliya.
RBC Radio