Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiisha Q/M ee gaaray Baydhabo oo saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ethiopia kala hadlay sidii alshabaab looga saari lahaa gobolkaas

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Waftigii ka socday Qaramada Midoobay ee shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo kulan gaara la qaatay  saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia ayaa kala hadlay sidii alshabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool.

Waftiga ka socday xafiiska cusub ee Qaraamada Midoobe ee UNSOM oo ay hogaaminaysay Rania Ibrahim ayaa u sheegay saraakiisha ay la kulmeen iney muhim tahay in alshabaab laga sifeeyo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin goboladaas sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Baay Cismaan Macalin Cabdi.

Cismaan Macalin ayaa sheegay in Masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia ay isla falanqeeyeen sida ugu sahlan ee alshabaabka looga saari lahaa goobaha ay wali kaga harsan yihiin goboladaas,si loo soo celiyo xasiloonidii iyo amnigii gobolada Baay iyo Bakool.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Baay ayaa dhanka kale sheegay in saraakiisha Qaramada Midoobay ay u ballan qaadeen maamulka gobolkaas iney gacan weyn kasiin doonaan,xoojinta amniga,horumarinta deegaanka iyo siinta tababarro aqoon kororsi ah masuuliyiinta maamulka gobolka Baay.

Alshabaab oo laga saaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo degmooyin kale ayaa wali ka arimiya deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay oo ay ka mid tahay degmada Diinsoor,xoogaga alshabaab ayaa magaalada xiliyada qaar  kusoo qaada weeraro kudhufoo ka dhaqaaq ah,masuuliyiinta gobolkaas ayaa marar badan ku celceliyey iney ka go’an tahay sidii ay alshabaab uga saari lahaayeen gobolkaas.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles