Muqdisho(RBC Radio) Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed kana mid ah culima udiinka dalka sida weyn looga yaqaano oo maanta ka hadlayey kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay in laga qayb galo bandhig faneedyada ay dhigaan fannaaniinta Soomaaliyeed ee maalmihii danbe soo gaarayey magaalada Muqdisho.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay iney tahay arin laga xumaado in bulshadu ay lacago ku bixiyaan bandhig faneedyada ay dhigaan fannaaniinta,wuxuuna xusay iney ayaan darro tahay arinkaasi,Sheekh Bashiir ayaa tilmaamayiney wanaagsaneed in lacagtaas lagu taageero dadka danta yar,sida agoonta,barakacayaasha iyo dadka aan waxba haysan.
Wuxuuna sidoo kale dhaliilay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay iney mushaharaad siiso fannaaniinta oo uu ku tilmaamay iney faraha kula jiraan wax uusan Rabbi raali ka ahayn.
“Fanaaniin baa lacag la siiyaa oo la masruufaa Dowladda hal macalin lacag masiiso marka gabdho ilaaheey caasiyay oo isqaawiyay,hadalada ay ku heesayaan ay caasi tahay ayaa lacag lasiiyaa aaway caqligii”Ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay in loo baahan yahay Alle ka cabsi iyo isku naxariisasho ,wuxuuna tibaaxay Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay shacabkeeda unaxariisato si raxmada eebe loo helo,loogana boxo dhibaatada dabada dheeraatay ee ku habsatay ummadda Soomaaliyeed
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho