Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20115

Fariinta 4aad: Awoodda iyo Xilalka Golayaasha Degaanka

$
0
0

Fariinta 4aad
Awoodda iyo Xilalka Golayaasha Degaanka

 

Iyada oo dastuurka Puntland la raacayo golaha deegaanku waa u madax banaanyahay maamulka iyo dhaqaalaha degmada.

 

Dadka degmada ayaa dooranaya golaha degaanka, waxay xilka haynayaan muddo shan(5) sano ah.

Golaha degaanku waxay ka qayb qaadanayaan:

1. Qorshaha iyo fulinta arrimaha bulshada.
2. Dejinta miisaaniyada degmada.
3. Go’aan ka gaarista khidmadaha la qaado dadweynaha sida tan loogu talo galay mashariicda.
4. Dejinta sharci-hoosaadyo lagu maamulaayo ama lagu daryeelaayo dadweynaha degmada.
5. Dejinta qorshayaasha horumarinta degmada iyada oo lala kaashanayo maamulka gobolka iyo kan Puntland.
6. Maamulka hantida dadweynaha ee degmada.

Doorashada golaha deegaanada waxa la qabanayaa 15 july, 2013. Qofku mar keliya buu codayn karaa. Qof kale uma codayn karo xitaa haddu yahay qoyaskaaga.

Qofka wax dooranayaa waa inu yahy 18 jir maalinta doorashada ama ka weynyahay, reer Puntland yahay, uusan xabsi ku jirin oo miyir qabaa, kuna noolyahay degmada u codka ka dhiibanayo.

Fariintan waxaa idiin soo gudbinaya Guddiga ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka ee Puntland.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20115

Trending Articles