Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka socda Xafiiska Cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socday xafiiska cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya ee UNSOM oo ay hogaaminaysa haweeneyda la yiraahdo Rania Ibrahim oo ka tirsan xafiiskaas  ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka gobolkaas.

Waftiga xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobe ayaa wadahadalo kula yeeshay gudaha magaalada Baydhabo masuuliyiinta gobolka Baay, Rania Ibrahim ayaa warbaahinta uga waran tahay ujeedka safarkooda magaalada Baydhabo waxayna sheegtay iney Baydhabo u tageen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha bulshada gobolka Baay.

Waxayna tilmaantay in xafiiska cusub ee Qaramada Midoobe arimaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu laan ka furto magaalada Baydhabo isla markaane ay ku yeeshaan wakiil ka shaqeeya gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Baay Cismaan Macalin Cabdi ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka ayaa tilmaamay in kulanka ay waftiga la yeesheen uu ku saabsanaa uga xog warramidda waftiga xaaladaha gobolka,wuxuuna arin wanaagsan ku tilmaamay in xafiiska cusub ee UNSOM uu xafiis ka furto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cismaan Macalin ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Baay ay u heelan tahay la shaqaynta xafiiska Cusub ee UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya xafiiskaas oo uu hogaaminayo danjire Nicholas Kay oo shalay si rasmi ah ulka wareegay xilka ergayga gaarka ee Q/M u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles