Clik here to view.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan
Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka amniga dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.,kaas oo muddo ku sugnaa magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wasiirka oo galabta u waramayey laanta af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Sarkaalka la qabtay uu u qaabilsanyahay Ururka Al-Shabaab dhinaca dilalka loona yaqaano (Amniyaadka) balse ma uusan carabaabin Magaciisa dhabta ah.
Waxa uu uu xusay in Sarkaalka la qabtay uu dagaal dhexmaray Ciidamada amniga uuna ku hubeysnaa Bastoolad iyo Banbaano ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen Ciidamadu ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan isagoo lug ka dhaawacan.
Khaliif Ciise Mudana ayaa sheegay in muddo ku dabajoogeen Sarkaalkan isla mar ahaantaana ay ka war hayeen dhaqdhaqaaqa Sarkaalkan.
Sarkaalka la sheegay in Ururka Al-Shabaab dhanka Amniyaadka u qaabilsanaa ayaa inta aan la qaban rasaas ooda uga qaaday Ciidamada amniga ee isku dayayey iney qabtaan taasoo keentay rasaastaas u dhintay nin lagu magacaabo Raage Diiriye Faarax kaas oo goob ganacsi ku haystay agagaarka Hotel Jubba.
Wasiirka amniga dawladda Puntland Khaliif Ciise ayaa sidoo kale tilmaamay in maalinta berito ah oo taariikhdu ku beegantahay 5.6.2013 ay Saxaafadda usoo bandhigayaan kana bixin doonaan faah-faahin buuxda arrimaha Sarkaalka.
________________________
RBC Radio