Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socda wasaaradda gaashaandhigga dalka Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax C/qaadir iyo gudi gaara oo ay soo dhaweynta waftigan u xilsaartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Ujeedka safarka saraakiisha ciidan ee ka socda wasaaradda difaaca dalka Masar ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare,wuxuuna tilmaamay in waftigani ay u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay u tayayn lahaayeen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in wasaaradda difaaca Masar ay dhigeeda Soomaaliya ka caawineyso,qalabaynta xafiisyada wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya,dhisida xeryaha ciidanka,irgalinta xarum caafimaad oo ay wasaaradu leedahay iyo qalabaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Faarax Qare ayaa masuuliyiinta Masaarida uga mahadceliyey safarka ay Soomaaliya ku yimaadeen,wuxuuna xusay iney Muqdisho joogi doonaan muddo maalmaha,isla markaane ay qiimayn samayn doonaan inta aysan hawsha ku dhaqaaqin.
Soomaaliya ayaa heshiisyo ciidan la gashay tan iyo markii golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu qaaday xayiraadii hubka ee saarneed Soomaaliya ilaa 1992-kii dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay dowladda Suudaan kuwaas oo lagu doonayo in dib loogu dhiso cududa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii dalka soo maray.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho