Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socda dowladda dalka Imaaraadka Carabta oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya,markii uu soo dhammaaday kulanka ay wada yeesheen masuuliyiinta ka socday dowladda Imaaraadka Carabta iyo wasiirrada xukuumadda ayaa waxaa warbaahinta uga waramay waxyaabihii la iskula soo qaaday kulanka wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi.
C/llaahi Ciil-mooge ayaa sheegay in kulanku uu ka danbeeyey kadib markii ay magaalada Muqdisho soo gaareen waftiga ka socda dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo u yimi Muqdisho sidii ay u bilaabilahaayeen hirgalinta Mashaariic ay ku dhisayaan Isbitaal weyn oo adeegyo lacag la’aan ah ay ka heli doonaan shacabka Soomaaliyeed.
C/llaahi Ciil-mooge wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa intaa ku daray iney maanta waftiga geeyeen goobo uu bixiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo laga dhisayo Isbitaalka iyo xarumo kale oo waxloogu qabanayo dadweynaha Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmood oo isne ka mid ahaa masuuliyiintii la kulmay waftiga ka socda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ujeedka ay maanta u tageen dhulka loogu tala galay in laga dhiso xarunta Caafimaad ay salka ku hayso sidii ay goobtaas ugu wareejin lahaayeen masuuliyiinta ka socda Imaaraadka si ay u guda galaan hawshooda.
Wuxuuna tilmaamay in muddo maalmo gudahooda ay si rasmi ah loogu wareejin doono isla markaane ay hawshooda u guda gali doonaan,wuxuuna tilmaamay in Mashruucaasi uu yahay mid ay dan weyni ugu jirto bulshada Soomaaliyeed,isla markaane ay ka heli doonaan dhammaan adeegyada caafimaadka ee kala gadisan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho