Yokohama(RBC) Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah magaalada Yokohama ee dalka Japan kula qaatay madaxweynaha dalka koonfur Afrika Jakab Zuuma ayaa kala hadlay sidii dowlada dalkaasi ay wax uga qaban lahayd dhibaatada faraha badan ee lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalkaas.
kulanka ay magalada Yokohama ku yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koonfurta Afrika ayaa waxyaabaha ay diirada ku saareen waxaa warbaahinta uga warbixiyey afhayeenka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow oo ku sugan dalka Japan.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay dhigiisa dalka Koonfur Afrika sidii dowladda dalkaasi ay wax uga qaban lahayd tacadiyada lagu hayo Soomaalida ku ganacsatada dalka Koonfur Afrika,wuxuuna xusay in madaxweyne Jakab Zuuma uu ballan qaaday in dowladiisu ay dib u eegto dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto isla markaane ay samayn doonaan baaritaano ku aaddan dadka dhibaateeya dadka Soomaaliya,si deg deg ahne ay wax uga qaban doonaan.
Dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dadka Koonfur Afrika ayaa cirka isku sii shareereysay maalmihii danbe, waxaana soo kordhaya cabashooyinka iyo qayla dhaanta kasoo yeeraysa dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas oo loo geysto dil,boob iyo dhibaatooyin kale.
Wadahadalka labada madaxweyne iyo ballan qaadka dowladda Koonfur Afrika ee ku aaddan waxka qabashada tacadiyada lagu hayo Soomaalida ku nool dalkeeda ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli karto gabood fallada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalkaas.
RBC Radio