Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waraaq cabasho ah u qortay madaxda dalka Koonfur Afruikataasoo ay kaga dalbanayso iney si deg deg ah wax uga qabatodhibaatada dalkaas loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaas
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo waraaq u qoray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa muujiyay sida uu uga walacsanyahay bad qabka shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika.
“Waxaan ka codsanayaa dowlada Koofur Afrika in ay si deg deg ah ku fara galiso oo ay xakameyso rabshadaha nasiib daradda ah oo aan loo baahneeyn ee dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed si ay ugu noolaadaan nabad iyo deganaasho.taasi oo xoojineeyso korna u qaadeyso xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labadeena shacab iyo labada dowladood.”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay R/wasaare Saacid.
R/ wasaare Shiirdoon ayaa tacsi u diray qoysaska Soomaaliyeed ee ay eheladoodu ku dhinteen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika ,kuna dhawacmeen,hantidodana ku waayay intii ay socdeen qalalaasihii ka dhacay Magaaloyinka Diepsloot, Pretoria,Booysens Park, iyo Port Elizabeth oo wali socda.
Wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaliyed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika inay u hogaansamaan sharciyada dalkaasi islamarkaana ay fahmaan dhaqanka dadka u dhashay dalkaasi,si ay u yaraato dhibaatada loo geysanayo.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sidoo kale ka codsaday iney shacabka Soomaaliyeed la shaqeeyaan masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee ku taalla Magaalad Pretoria isla markaane ay joogteeyaan xasiloonida iyagoo og in dowlada Soomaaliya ay si cad ula shaqeyneyso dowlada Koofur Afrika si looga hadlo dhibatoyinka soo laalaabtay ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho