Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidanka dowladda oo degmada X/jajab ka sameeyey hawlgal lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 2-kun oo ruux

$
0
0

 

Muqdisho(RBC) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidanka nabad ilaalinta  midowga Afrika ee AMISOM  iyo Saraakiil Caddaan ah ayaa saaka hawlgallo ballaaran  oo lagu soo qab-qabtay boqolaal ruux ka sameeyey dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada X/Jajab ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa guri guri u galay xaafadaha degmada X/Jajab waxayna kala baxayeen ragga ku jira guryaha iyagoo dadka ay kasoo qab-qabanayeen gudaha xaafadaha iskugu geeyey goobo dhowr ah oo ku yaalla gudaha degmada,ciidanka ayaa markii ay soo gabagabeeyeen baaritaanadii ay xaafadaha ka wadeen isla markaane ay hubsadeen iney gacanta kusoo dhigeen dhammaan dadkii raggii ku sugnaa degmada X/Jajab ayaa waxa ay dadkii goobaha kala gadisan ay ku hayeen waxa ay iskugu keeneen xarunta degmada X/Jajab halkaas oo ay ku sugnaayeen Saraakiisha ciidanka dowladda.

Markii dadii lasoo qabqabtay la iskugu geeyey xarunta degmada X/jajab ayaa waxaa bilaabatay kala shaandhaynta dadkii hawlgalka lagu soo qabqabtay oo aan ka mid ahaa ,waxaana goobta la keenay dhalinyaro aad u da’yaraa kuwaas oo saraakiisha ciidanku ay ugu magac dareen”Been ma sheegayaal” oo ay ula jeedeen in cidda ay farta ku fiiqaan ay ka tirsan tahay alshabaab xabsigane loo taxaabi doono,dadka lasoo qab-qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wariyaal iyo arday laga soo xiray xilli ay ku jireen gudaha xarunta Jaamacadda SIMAD.

Dadkii hawlgalka lagu soo qabqabtay oo tira ahaan aan ka yareen 2-Kun oo ruux ayaa waxa ay ciidanku bilaabeen iney Toban toban saf u galiyaan,waxaana intaa kadib la horgeynayaa dhalinyaro ka tirsan nabad sugida oo hore uga tirsanaa alshabaab,kuwaas oo qofka ay aqoonsadaan farta ku fiiqaya,waxaana la geynayey goob gaara halka inta kalane la iska fasaxayey.

Ugu danbayntii ayaa waxaa ay ciidanku la hareen dhalinyaro aan ku qiyaasay ilaa 20 kuwaas oo loo qaaday xarunta CID-da si loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah,saraakiishii ciidanka ee goobta ku sugnaa ayaan wali warbaahinta uga warbixin hawlgalkan baaxadda weyn ee ay ka sameeyeen degmada X/jajab.

Ciidanka ayaa hawlgallada nuucan ah si isdaba joog ah maalmihii danbe uga waday degmooyinka gobolka Banaadir,saraakiisha ciidanka ayaa ku micneeyey in lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasiimadda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles