Nairobi(RBC) Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,kadib wadahadallo ay magaaladaas ku lahaayeen maalmihii danbe labada wasiir arima dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayey ku kala saxiixdeen heshiis lagu xoojinayo heshiisyo ay hore u wada gaareen madaxweynayaasha labada dal.
Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa si qota dheer uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen adkeynta amniga xuduudka kala qaybiya labada dal,isla markaanne looga hortagi lahaa wax walba oo carqalad ku noqon kara xiriirka labada wadan.
Heshiiska kala saxiixdeen labada dowladood ayaa waxa qayb ka ah dhisida gudi wadajir ah oo ka kooban labada dal kuwaas oo ka shaqeeya fulinta qodobada heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.
Qodobada heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka mid ah sidii qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed dalkooda Hooyo dib loogu soo celin lahaa kuwaas oo xiligan ku sugan gudaha dalkaas,waxaana kaloo kamid ah waxyaabaha ay labada dal ku heshiiyeen in la qaban qaabiyo shir weyne taageero loogu raadinayo dib u dajin loo sameeyo qaxootiga Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho