Garoowe (RBC RADIO) Xaflad ka dhacday Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC magaalada Garoowe ayna soo qaban qaabisay Wasaarada haweenka Puntland kana soo qayb galeen Masuuliyiin ka socday 2da Gole iyo Marti Sharaf kale ayaa si Rasmi ah Magacii Wasaaradda Haweenka looga badalay looguna baxshay mid cusub Halkaasi waxaa hadallo muhiim ah kasoo jeedisay Wasiirka haweenka Puntland iyadoo Gunaanadka Xafladaasi uu soo xiray Ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo madasha ka sheegay in Wasaaradda Haweenka ay horay u dhaqaaqday kuna guuleysatay Horayna u qaaday Talaabooyin muhiim ah isagoo sheegay in Dumarka ay ka xuquuq badan yihiin Raga loona baahan yahay in xaqooda la ilaaliyo.
Hadaba Hoos ka aqriso Hadalkii Ay madasha ka jeedisay Wasiirka haweenka iyo Hormarinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Xaliimo Xaaji Xasan.
Mudanayaal iyo Marwooyin Asalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wabarakaatu.
Salaan kadib waxaan idinka mahadcelinayaa sida sharafta leh ee aad u ogolaateen ugana soo qayb gasheen Shirka lagu daah furayo Magaca Cusub ee loo baxiyay Wasaaradda idin marti gelisay.
Waxaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr,C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole soo saaray wareegto Lr.87 ee 23 April 2013. Wuxuu Madaxweynuhu u bixiyay Wasaaradda Magac Cusub oo ah (Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Qoyska) luuqada Englishkana ku ah Ministry of Women and Family Social Afairs,Waxaan jeclahay inaan idin Xasuusiyo Magacii Wasaaradda ee hore oo ahaa (Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska).
Waxaan filayaa ineey haboon tahay in la isweydiiyo sababta loo bedalay Magaca Wasaaradda:
1, waxaa la garwaaqsaday in wasaaradda oo 8sano jirsatay ay gaartay Xilligii Xilka (Mandate) ay ummadeeda u hayso la balaarin lahaa si ay u hanato Arrimaha Bulshada ee Haweenka iyo Qooysaska Reer Puntland u Baahan yihiin.
2, Magaca Cusub wuxuu suurtagelinayaa in Wasaaraddu Xiriir Dhow la yeelato Wasaaradaha Dowladda ee dhankooda uga hawlan arrimaha Bulshada sida wax barashada,Caafimaadka, Cadaaladda iyo wixii la mid ah.
3, Waxaa Suurtagaleysa in Wasaaraddu ay Maalgelin u raadiso hawlaha arrimaha Bulshada ee sida gaarka ah u taabanaya noloshada Haweenka iyo Qoysaska reer Puntland ,tusaale ahaan waxaan ku hamineynaa inaan si gaar ah ugu fara saarno Xarumaha Agoomuhu ku xareysanyihiin oo uu inoo suurta gelin karo magaca balaaran oo aan hada la baxnay.
4, Waxaa Magaca Cusub ee maanta lagu dhawaaqay sahlayaa in Wasaaraddu mideeyso isla Markaana hogaanka ugu qabato hawlaha arrimaha Bulshada ee khuseeya Haweenka iyo Qooysaska.
5, Ugu dambeyntii waxaa Magaca Cusub tilmaamayaa in Wasaaraddu ka gudubtay Xilligii xaalada Deg-dega ah una jaan-Qaaday marxalad hormarin (Development),Hogaamin (Leadership) iyo Lahaansho Hawlaheeda (Ownership).
Sidaas Awgeed, waxay wasaaraddu dhowaan martigelin doontaa shir Deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba kaasi oo looga tashanayo sidii loo sameyn lahaa Qorshe hawleed (Workplan) mideeysan oo lagu wajahayo hawlaha Sanadda 2014ka, waxay hawlaha qorshahaasi ahaan doonaan kuwa bixinaya adeegyo lagu hormarinayo arrimaha Bulshada si loo kaabo Nolosha Haweenka Qooysaska iyo Xarumaha Agoonta.
Gabagabadii Waxaan Jeclahay inaan u Mahadceliyo Dowladda Puntland,Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ee Maalin kasta ku hawlan gacansiinta Hawlaha Wasaaraddu u hayso Dalka iyo Dadka reer Puntland.
Mahadsanidiin.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.