Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Maamulka Somaliland, ayaa hadal ka jeediyey furitaanka tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo maanta si rasmi ah uga furmay garoonka Hargeysa Stadium, kaasoo ay ku tartamayaan Xulalka 13 gobol.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad kooban ka jeediyey furitaanka Xafladda tartanka ciyaaraha oo galabta lagu qabtay garoonka Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka furitaanka ciyaaraha gobollada Somaliland. “Waxa farxad weyn innoo ah inaynu maanta halkan isugu nimaadno iyada oo ay maanta halkan dhallinyaradii ciyaaraha gobollada Somaliland tartan uga bilaabmayo. Waxa sharaf weyn ii ah inaynu dhallinyaradeenna dhiirrigelinno.” Sidaa ayuu yiri Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Mar uu Madaxweynaha Somaliland ka hadlayey siyaasadda dawladdiisa ee dhinaca dhalinyarada waxa uu yiri; “Siyaasadda dawladda aan madaxda ka ahay ballan-qaadkeeda waxa ka mid ahaa inuu dadka isku xidho, waxa ka mid ahaa inuu dhallinyarada ku dhiirrigeliyo hadday tacliin tahay, hadday Sports (Ciyaaro) tahay, hadday aqoon tahay iyo wax kasta oo ay tahayba.”
“Maanta gobolladii Somaliland oo aanay cidi ka maqnayn ayaa halkan jooga waana farxad aynu u dhannahay haddaynu gobollada nahay, haddaynu dhallinyarada nahay, hadday dibedda tahay iyo haddaynu Somaliland nahay.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay intaa ku laray oo yiri; “Markaa, waxaan idin leeyahay oo aan idiinku baaqayaa maantana si rasmi u furmay tartankii ciyaaraha, Wasaaradda soo qabanqaabisay iyo dhallinyaradana waxaan leeyahay hambalyo, hambalyo.”
Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa laaday Kubbadda lagu furay Ciyaaraha gobollada, waxaana maanta wada Ciyaaray xulalka gobollada Maroodi-jeex iyo Saraar, kuwaasoo ku kala adkaaday laba gool iyo hal gool.
Xulka gobolka Maroodi-jeex ayaa dhaliyey goolkii koowaad ee Ciyaarta wareeggii hore ama haafkii hore, halka Xulka gobolka Saraar isla haafkii hore keeneen gool bar-bar dhac ah, hase-yeeshee, xulka gobolka Maroodi-jeex ayaa isla qaybtii hore ee Ciyaarta dhaliyey gool labaad, waxaana xulka Maroodi-jeex labadaa gool u dhaliyey Maxamuud-Goofiindhe.
Goofiindhe ayaa ah Wiilkii goolkii ugu horreeyey u dhaliyey Maroodi-jeex (Hargeysa) tartankii hore ee Ciyaaraha gobollada 2011-kii ku qabsoomay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana ku guulaystay Gaadhi nooca raaxa ee Crawn-ka loo yaqaan ah ay shirkadda waddaniga ah ee Dahabshiil ugu talo-gashay wiilka dhaliya goolka ugu horreeya ee furitaanka Ciyaaraha. Maalinta Isniinta Berri waxaa wada ciyaari doona xulalka gobollada Hawd iyo Badhan.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.