Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH. oo magaalada Yokohama kula kulmay Xog-hayaha guud ee Q/M Ban-ki Moon

$
0
0

 

Yokohama(RBC)  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir kula yeeshay magaalada Yokohama ee dalka Japan Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban-ki Moon,madaxweynaha ayaa Ban-ki Moon kala hadlay sidii ay Qaramada Midoobe door muuqda uga qaadan lahayd hogaaminta dib u dhiska dalka Soomaaliya,dhaqada xafiiska cusub ee Qaramada Midoobe ee UNSOM oo berri si rasmi ah Muqdisho looga furayo iyo qorshaha cusub ee Qaramada Midoobe ay ku caawinayso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ban-ki Moon uga waramay guulaha ay ku tallaabsatay Soomaaliya bilihii u danbeeyey,wuxuuna kala hadlay hawsha uu qaban doono xafiiska UNSOM oo uu hogaamin doono ergayga Cusub ee Q/M usoo magacowday arimaha Soomaaliya Nicholos Kay oo shaqada xaflad berri ka dhici doonta Muqdisho kala wareegaya xafiiskii Q/M ee UNPOS oo uu mudada 3-da sano ah soo waday ergaygii isaga ka horeeyey ee Augustine Mahiga oo xilkaasi wareejin doona.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobe sida wanaagsan ee ay dowladda Soomaaliya ugala tashatay magacaabista masuuliyiinta cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka,wuxuuna xusay  iney muhiim tahay in Dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag sal adag  leh kaasoo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban-ki Moon ayaa bogaadiyey horumarka curdanka ah ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya,wuxuuna ballan qaaday iney gacan buuxda siin doonaan dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya ee lagu doonayo in dalka dib loogu soo celiyo hannaankii dowlanimo isla markaane loo xasilin lahaa dalka,loogana hirgalin lahaa dib u dhis.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles