Nairobi(RBC Radio) DowladahaSoomaaliya iyo Kenya ayaa dadaal ugu jira sidii ay taageero ugu heli lahaayeen soo celinta qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga dalka Kenya,war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Kenya ayaa lagu sheegay in magaalada Nairobi ay ku kulmeen wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya isla markaane ay ka wada hadleen xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed iyo sidii loogu heli lahaa dib u dejinta.
Warka kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in 2-da wasiir ay isku raaceen in la qabto shir caalami ah oo ay si wada jir ah ay u shir gudoomin doonaan madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.
Wasiirka arimaha dibadda dalka Soomaaliya Fowziya yuusuf Xaaji Aadan oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaa wada hadalo kula leh madaxda dalka Kenya,waxayna ka wada hadlayaan arimaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.
Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Yokohama ee dalka Japan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayey labada masuul isku raaceen in la qaban qaabiyo shir weyne caalami ah oo taageero loogu raadinayo dib u dajinta boqolaalka kun ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Kenya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho