Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

C/xakiin Xaaji Fiqi: Shacabka Kismaayo waxaa haysta xaalado bini aadaninimo oo ba’an kuwaas oo ka dhashay Isgaarsiinta magaalada oo hawada laga saaray

$
0
0

 

Kismaayo(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan magaalada KIsmaayo ee xarun goboleedka jubada hoose ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi ay haysato dhibaato baaxad leh oo la xiriirta dhanka isgaarsoonta magaalada oo aan fadhiyin.

Wasiirka oo waraysi siinayey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in  shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay haysato dhibaato baaxad leh kadib markii hada laga saaray Isgaarsiintii magaaladaas,C/qaxakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa tilmaamay in shacabka reer Kisaayo ay aribtaasi ku noqotay caqabab saamayn weyn ku yeelatay noloshooda.

“Maamulka magaalada ka jira ayaa inta badan hawada ka saara  Isgaarsiinta magaalada,dadka arintaasi waxay ku haysaa dhibaato aan lasoo koobi karin,waxaa jira qaar biilasha qoysaskoodu ay ugu jirto taleefanada gacanta,arintaas waxaa ka dhalanaysa xaalad xun oo bini aadaninimo,waana arin khalad ah oo aan la qaadan karin” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Fiqi.

Fiqi ayaa la weydiiyey  ujeedka safarka  waftiga wasiirada ka koobnaa ee gaaray Kismaayo oo uu isagu shir gudoominayey,wuxuuna tilmaamay in shacabka magaalada Kismaayo ay si buuxda u taageersan yihiin dowladda,isagoona sheegay in  safarkaasi uu salka ku hayey 3 qodob oo kala ahaa.

1. in bulshada Kismaayo ay dowladdu ku booriso iney amniga kala shaeeyaan ciidamada  ku sugan magaalada,si aysan magaalada uga dhicin qalalaaso amni xumo,2. iney u kuur galaan xaaladaha noloeed ee shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo qodobka 3-aad oo ah in dad weynaha Kismaayo ay gaarsiiyaan fariinta dowladda ee dib u heshiisiinta maadaama sida uu tilmaamay uu dhawaan magaalada Muqdisho ka furmayo shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo ay dowladu garwadeenka ka tahay.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles