Sh/hoose(RBC Radio) Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay sheegeen iney ka dheceen deegaano kala gadisan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose afhayeenka alshabaab u qaabilsan dhanka hawlgallada Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney ciidanka AMISOM khasaao lixaad leh ku gaarsiiyeen dagaalo ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Shabeelaha hoose.
C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka ugu horeeya ay ku qaadeen ciidanka AMISOM oo kasoo ambabaxay garoonka Balli-doogle kuna sii jeeday deegaanka Yaaqbari-weyne in ciidanka alshabaab ay jidka u galeen halkaasne ay ku gaarsiiyeen khasaaro fara badan,wuxuuna tilmaamay in dagaalkaas ay ku dileen 6 ka tirsan ciidanka AMISOM, halka ay ku dhaaweceen intaas in ka badan.
Wuxuuna intaa raaciyey in dagaalkaas ay alshabaab ku gubeen 2 gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nuuca qafilan ee Tawga sida uu tilmaamay kaasoo uu sheegay iney la kacday Miino uuna basbeelay gabi ahaantiiba,halka midka kalane uu ahaa nuuca askarta qaada kaasoo isne uu sheegay inuu haleelay madfac nuuca garabka laga tuuro ah.
Abu Muscab ayaa sheegay in ciidanka alshabaab ay dagaal kale kula galeen ciidanka AMISOM oo ka yimi dhanka deegaanka Leego kuwaas oo kusoo jeeday Yaaqbari-weyne,wuxuuna xusay in dagaalkaas ay ku gubeen gaari ay lahaayeen ciidanka AMISOM.
Afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab C/casiis Abu Muscab ayaa intaa ku daray iney sidoo kale jidka u galeen gaari nuuca dagaalka ah kaasoo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay in gaarigaasi ay la dheceeb rasaas fara badan oo gaarsiisay khasaaro uusan carrra baabin.
Hadalka kasoo baxay alshabaab ayaa imaanaya xilli shalay warsaxaafadeed uu soo saaray taliyah ciidanka AMISOM Andrew Gutto uu ku sheegay in ciidanka AMISOM oo alshabaab dagaal kula galay Shabeelaha hoose ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan xoogaga alshabaab isla markaane ay khasaaro gaarsiiyeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho