Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda arimaha dibadda dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney ku hawlan tahay sidii ay dib u habayn ugu samayn lahayd safaaradaha Soomaaliya ay caalamka ku leedahay,wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Barrow oo shalay baarlamaanka u sharxayey sharciga ay wasaaraddu baarlamaanka hordhigtay ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee ay ku dhaqaaqayaan marka hindise sharciyeedkaas la meelmariyo ay tahay iney dib u habayn buuxda ku samayn doonaan safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaalida ee caalamka.
Jamaal Maxamed Barrow ayaa tilmaamay in hadii la ansixiyo sharciga ay baarlamaanka horgeeyeen uu sahli doono in dib u habayn lagu sameeyo diblamaasiyiinta dalka Soomaaliya u matala caalamka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in sharcigani uu u gogol xaarayo in shaqada safaaradaha dalka loo dhiibo dad xirfad iyo aqoon u leh diblamaasiyadda.
“waxa uu faa’iideynayo sharcigan waxaa ka mid ah wuxuu sahlayaa inaan u dhiibano shaqada safaaradaha dad leh aqoon,xirfad iyo khibrad diblamaasiyadeed,waxaana sharciga ku jira shuruudaha qeexaya sifooyinka lagu xulanayo dadka Soomaaliya u matalaya siyaasadda dibadda” ayuu yiri Jamaal Maxamed Barrow wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in wasaaradda ay ka go’an tahay iney sii laba jibaarto dadaalada ay wado ee ay ku dooneyso iney ku hagaajiso xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadamada adduunka,wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa mudadii koobneed ee ay jirtay waxaa lagu tilmaamaa iney tahay wasaaradda kaliya ee kasoo dhalaashay hawshii laga sugayey marka loo eego guulaha diblamaasiyadeed ee isdaba joogga ah ee ay dalka usoo hooysay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho