Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Faroole “Taageerida Jubbaland wadnaha ayey uga taal Puntland madax iyo shacaba”(Sawirro)

$
0
0

Nairobi [RBC Radio]Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa gaalinkii danbe ee maantey ka dhacdey munaasabad ballaaran taso lugu soo dhawenayey madxaweynaha dowladda Puntland Dr,Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafti uu horkacayey oo dhawan soo garey Nairobi.

Manaasabadan waxaa soo qaban qaabisay rugta ganacsiga Jubba-land,waxana ay ahyed soo dhaweyn ay ka qeyb galeen musuuliyin badan kuwaaso isgu dhafnaa  xubna ka socdey xukuumada Kenya,xildhibaano dowladda faderaalka ah kuwaaso ka soo jeeda Puntland iyo Jubba-land iyo boqolaal dadweyne ah kuwaaso ku labisna calaamadda Puntland iyo Jubba-land iyadoona guud ahanba xalfadu ay ahyed mid leh midabada ay ka samesanyihiin calamada Jubba-land iyo Puntland.
Dahfurkii munaasabada waxaa lugu soo bandhigey heeso taageero ah kuwoo miruhu ay ahaayeen kuwo lugu amaanayo wanaga yaala labada dowlad gobaleed ee Jubba-land iyo Puntland iyo sidii losii daadihin laha nidaamka federaalka ah.

Munaasabada intaa ay socotey ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyey masuulinyin badan oo ay ka mid ahayeen xildhibaano ka socdey dowladda Kenya iyo xildhibaano iyaguna ka socdey dowladda faderaalka Soomaaliya waxana dhamantood hadaladooda ay ku soo dhaweyen madxaweyne Faroole,iyo dhismaha Jubba-land.

Yaasiin Jaamac gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubba-land  ayaa isaguna hadaal dher ka jeediyey xalfada waxana uu amaan iyo bogaadinba uu kula dul dhacey madaxweynaha dowladda Puntland dr,Faroole isagona ku amaaney doorki muqdey ee u ka qaatey dhismaha Jubba-land iyo   dhiirigelinta nidaamka federaalka Soomaaliya,sidoo kale waxaa uu ugu baaqey madxaweynaha in uu si wado dar dar galinta Jubba-land illa iyo inta ay cagahheeda isu tageyso.
Gen.Cabdilaahi Axmed Ilkajir  Wasiirka arimaha gudaha dowladda Puntland oo isna qeyb ka ahaa waftiga madaxweynaha ee Nairobi kusugan ayaa isna hadal uu ka jeediyey munaasabada inta usoon soo xirin madxaweynaha ayaa waxaa uu mahadcelin ballaaran usoo jeediyey dhamanba bulsha ka soo qeyb gashey munaasabada isagona geesta kale ka warbixiyey xaaladda deegaanada Puntland,waxana uu si kooban ku sheegey in hormar ballaaran Puntland uu xiligaan ka jiro.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole madaxweynaha Puntland oo isga munaasabadan loo qabtey ayaa soo xiriy waxana madaxweynaha khudbad uu dhinacyo badan kusoo qadey uu ugu horen ku sheegey in taageeradeeda Jubba-land wadnaha uga taaal Puntland madax iyo shacab islamarkana ay noqon doonto mid an dhamaan.

Madxaweynaha waxaa uu sidoo kale uu sharaxad ka bixiyey in dowladda Puntland ay doonayo in dalka uu ka hirgalo nidaamka fedaraalisimka,isgoona inta ku darey in ay ku guubabinayaan gobollada kale ee dalka inay dhistaan maamulo sida uu tasturku dhigayo tasina ay tahay muhim.

Madaxweynaha ayaa maalmahanba ku sugna magaaladda Nairobi halkaaso uu kulamo kula qatey masuuliyin ubadan doblumaasiyin wadamada caalamka u fadhiya Nairobi waxana lugu wada dhawan in madaxweynaha uu safarkisa kusoo kala bixiyo wadamo dhoor ah oo gobolka iyo wadamo katirsan qaliijkuba ay ku jiraan.






Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles