Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone kana qayb ah hawlgalka AMISOM oo maanta Muqdisho soo gaaray

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Sierra leone ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ciidaka Sierra leone ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa qayb ka noqon doona hawlgalka  AMISOM ee ay dalka Soomaaliya ka wadaan ciidamada ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Burunid,Kenya iyo dalka Ethiopia oo ciidamo aan hoos tagin taliska AMISOM ay kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Andrew Gutto oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xiliga ay soo dagayeen ciidanka dalka Sierra leone  ayaa  soo dhaweeyey imaanshaha ciidanka ka socda Sierra leone, wuxuuna sheegay iney qayb weyn ka qaadan doonaan hawlgalka AMISOM  ay ka wado Soomaaliya.

Gen. Gutto ayaa sheegay in dalka Sierra leone uu soo maray dagaalo sokeeye oo qaatay muddo dheer isla markaane ay ka faa’iideysan doonaan xalinta khilaafaadka maadaama ay arimahaasi khibrad u leeyihiin,wuxuuna intaa ku daray in ciidankani ay ciidamada Kenya kala qayb qaadan doonaan hawlgalka qaybta 2-aad ( Sector Two),isagoona tibaaxay iney u gudbi doonaan gobolada Jubooyinka sida ugu dhaqsaha badan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles