Yokohama(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad dheer oo uu kaga warbixinayo marxaladaha dalka Soomaaliya ka jeediyey shirkii 5-aad ee horumarinta qaaradda Afrika oo maanta ka furmay magaalada Yokohama ee wadanka Japan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sheegay khudbada uu u jeediyey madaxda ka qaybgalayey shirka horumarinta qaaradda Afrika in dalka Soomaaliya uu ku tallaabsaday horumarro bilow ah bilihii u danbeeyey,isagoona tibaaxay in amniga dalku uu soo hagaagayo marba marka ka danbaysa ,wuxuuna shaaca ka qaaday in horumar dhaqaale oo ka hanaqaada Soomaaliya uu ku xiran yahay hadba sida uu yahay amniga dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka gaar ahaan dalka Japan sida uu u barbar taagan yahay ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday madaxda ka qaybgalaya shirka 5-aad ee horumarinta Afrika ee loo yaqaano ( TICAD) iney dowladda Soomaaliya ka taageeraan sidii dib loogu dhisi lahaa hay’adaha dowliga ee dalka, sida fududeynta qaadista canshuuraha dalka taasoo uu tilmaamay madaxweyne Xasan iney suurta gal ka dhigi karto koboc dhaqaale oo dalku uu ku tallaabsado Mustaqbalka dhow.
R/wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ku dheeraaday ka hadlidda ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay dalkiisa,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dalkiisa Japan uu wadamo badan oo qaaradda ku yaalla uu ka fuliyey Mashaariic horumarineed oo lagu faani karo.
Caadil Maxamuud
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho