Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo M/kuxigeenka Kenya Willaim Ruto kala hadlay xiriirka labada dal iyo arimaha Jubooyinka

$
0
0

Yokohama(RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Yokohama ee dalka Japan kula kulmay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto,labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo warar maalmihii danbe soo baxayey kuwaas oo tilmaamayey in xiriirka labada dowladood uu soo kala dhexgalay  Mugdi siyaasadeed kadib markii ay la isku maandhaafay arimaha Jubooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa  u sheegay Ruto  in la buun-buuniyay warar aan jirin oo mugdi ka dhex-abuuray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,wuxuuna tilmaamay iney been abuur yihiin wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Kismaayo u dirtay Ciidan hubeysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray inuu kala hadlay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto sidii  ay labada dal uga wada shaqayn lahaayeen dib u dajinta boqolaalka Kun ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga gobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya,waxayna isku raaceen labada masuul sidii ay u qaban lahaayeen shir caalami ah oo ay wada gudoominayaan kaasoo taageero loogu raadinayo mashruuca dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka hayaamay xiliyadii ay dalka ka holcayeen colaadahu.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, William. ayaa  dhankiisa sheegay in ciidamada Kenya aanay gudaha Soomaaliya u galin inay qabsadaan, sida ugu dhaqsaha bandanna ay kala baxayaan marka la xaqiijiyo in dadka labada dal ay heleen nabadgalyo ku filan isla markaane ay meesha ka saaraan wel-welka amni xumo ee shacabka labada dal.

William Ruto oo sii hadlaya ayaa tibaaxay  in amni darrada iyo dowlad la’aanta Soomaamliya ay dhibaato ka soo gaartay dalkiisa, wuxuuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay hoos u dhigtay dhaqaalaha dalka Kenya ee dalxiiska iyo canshuuraha ka soo gali jiray, wuxuuna intaa raaciyey in amniga dalkiisa ay qal-qal ku hayaan  Alaabo kootarabbaan ah oo kasoo gudba dhanka xuduudka Soomaaliya.

Ruto ayaa meesha ka saaray wararka ay buunbuuniyeen saxaafadda qaar ee sheegaya inuu xumaaday xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles