Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada dowladda oo maanta Muqdisho ka sameeyey baaritaanno dad badan lagu soo qab-qabtay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaritaano ka sameeyey degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,ciidanka booliska iyo nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa saaka waaberigii ku jarmaaday xaafadaha degmooyinka Wardhiigley iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa ka hor waaberigii saaka gudaha u galay dhammaan guryaha ku yaalla xaafaddda Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley,ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay intii ay hawlgalka ku jireen boqolaal ruux oo u badnaa dhalinyaro kuwaas oo ciidanku ay uga shakiyeen iney ku lug leeyihiin falalka amni xumo ee ka dhaca xiliyada qaar magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa dadkii ay kusoo qabqabteen hawlgallada iskugu geeyey wadada wadnaha agagaarka xaafadda Geed Jacayl halkaas oo ay ku kala shaandheeyeen dadkii ay soo qabteen,ciidanka ayaa dib usii daayey intii badneed dadkii ay hawlgalka kusoo qabqabteen kadib markii ay baaritaano marsiiyeen,halka ay qaar kalane u gudbiyeen xarunta danbi baarista CID-da.

Ciidanka dowladda ayaa dhanka kale baaritaan kan la mid ah maanta galinkii hore ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxaana la arkayey ciidamada oo guri guri u galaya xaafadahaas isla markaane qabqabanaya ragga ku sugan xaafahaas haba ugu badnaadeen dhalinyarada.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka warbixin hawlgallada ay ka wadaan magaalada Muqdisho,waxayna hore u sheegeen in hawlgalladani ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles