Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka horgeysay Hindise sharciyeedka wasaaradda waxayna ka dalbatay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney meel mariyaan hindisaha wasaarradda,wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Jamaal Maxamed Barrow oo ka qaybgalay kulanka maanta ee xildhibaanadu ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka oo uu shir gudoominayey kudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa ka dalbaday mudanayaasha baarlamanka iney ansixiyaan sharciga ay ku dhaqmayso wasaaradu ee ay maanta u gudbiyeen golaha baarlamanka.
Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in sharciganu uusan ahayn mid cusub balse uu yahay mid laga tix-raacay sharcigii wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ee soo baxay 28-kii bisii April ee sanadkii 1973-dii iyo sharci caalami ah oo loo yaqaano heshiiska arimaha dibadda ee Viena.
Wuxuuna ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka iney ansixiyaan sharcigan oo uu sheegay inuu yahay kii hagi lahaa shaqada wasaaradda,wuxuuna sidoo kale ka codsaday gudiga arimaha dibadda baarlamaanka iney si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda,isagoona dhanka wasaaradda ballan qaaday iney diyaar u tahay la shaqaynta gudiga baarlamaanka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Jamaal Maxamed Barrow ayaa la weydiiyey waxa ay wasaaraddu kala socoto Safaaradaha Soomaaliya ee mudada dheer hawlgabka ahaa kuwaas oo qaarkood la sheegayo iney ka bexeen gacanta Soomaalida ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay qayb ka tahay sharciga ay horkeeneen baarlamanka marka la ansixiyane ay ku dhaqaaqi doonaan fulintiisa sida uu tilmaamay Barrow.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho