Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka horgeynaysa hindise sharciyeedka wasaaradda,gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta oo sabti ah ay baarlamaanka hr imaandoonto wasaaradda arimaha dibadda dalka isla markaane ay keeni doonto hindise sharciyeedka wasaaradda.
Gudoomiye ku xigeenka goaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in arintani ay qayb ka tahay hindisayaal dhowr ah oo wasaaradaha xukuumaddu ay horgeeyeen golaha baarlamaanka oo ah hay’addii sharci dajinta dalka.
Jaylaani Nuur Iikar ayaa sheegay iney baarlamaanka horyaallaan hawlo badan isla markaane uu aad u yaryahay waqtiga uu baarlamaanku haysto ,wuxuuna tilmaamay iney hadh iyo habeenba shaqayn doonaan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo gudoonka golaha baarlamaanka si ay u dhamaystiraan hawlaha baarlamaanka horyaalla.
Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ayaa si isdaba joog ah baarlamaanka u horgeynaya hindise sharciyeedka wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya si uu baarlamaanku u meelmariyo ama uu u dalbado wax ka bedelka hindise sharciyeedka wasaaradaha dalka.