Jowhar(RBC Radio) Bandow xiliga habeenkii ah ayaa ka dhaqan galay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,bandhowgan ayaa xalay habeenkii labaad ka dhaqan galay Xaafadda Hantiwadaag ee degmada Jowhar halkaas oo habeen ka hor ay kooxo hubaysin ku toogteen gudoomiyihii xaafaddaas.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa magaaalada ka wada hawlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga degmada isla markaane lagu baadi doonayo gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay gudoomiyihii xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.
Boqolaal ruux oo lagu soo qabqabtay hawlgallo ay ciidamadu kasameeyeen nawaaxiga goobtii uu ka dhacay dilka loo geystay gudoomiyihii xaafadda Hantiwadaag ayaa dib xabsiyada dowladda looga sii daayey kadib markii su’aalo lagu weydiiyey saldhigga booliska degmada Jowhar,isla markaane lagu waayey tuhunkii loo soo xiray oo ahaa iney ka tirsan yihiin alshabaab.