Muqdisho(RBC Radio) AMISOM iyo alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Andrew Gutto oo warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ay alshabaab kusoo weerareen agagaarka garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha hoose wuxuuna sheegay iney fashiliyeen weerarkaas.
Gen.Gutto ayaa ku sheegay warsaxaafadeedkiisa iney dhaawacyo badan gaarsiiyeen raggii ka tirsanaa alshabaab ee weerarka kusoo qaaday isla markaane ay ka furteen hubkii ay siteen sida uu tilmaamay,taliyaha ciidanka AMISOM Andrew Gutto ayaa hoosta ka xariiqay iney sii wadayaan dagaalka ay ku baacsanayaan waxa uu ku tilmaamay haraadiga alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya sh/hoose,taliyaha ayaan ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka dhexmar ciidankooda iyo alshabaab.
Dhanka kale warar lagu qoray bogaga ay alshabaab ku leeyihiin barta Internet-ka ayey ku sheegteen masuuliyadda weerarka lagu qaaday Kolonyada gaadiidka AMISOM,waxayna sheegeen in cutubyo ka tirsan xoogaga alshabaab ay dagaal gaadmo ah ku qaadeen ciidan ka tirsan AMISOM oo sahay u sida ciidan kale ee AMISOM ah oo ku sugan deegaanka Yaaq-bariweyne halkaasne uu ka dhacay dagaal ba’an oo ay ku gaarsiiyeen khasaaro lixaad leh ciidanka AMISOM sida ay sheegteen.
Alshabaab ayaa ku sheegay warka kasoo baxay iney sii wadi doonaan dagaalada ay ku naafaynayaa waxa ay ku tilmaameen cadowga kusoo duulay ummadda Soomaaliyeed ee AMISOM sida ay hadalka u dhigeen,ma jirto cid ka madax-bannaan kala sheegashada labada dhinac oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ku dhexmaray Sh/hoose.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho