Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mahiga oo dowladda ugu baaqay iney qalabayso ciidanka Soomaaliya si looga kaaftoomo ku tiirsanaanta AMISOM

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay iney ka tashato ku tiirsanaanta cududa ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee hawlgalka AMISOM oo hada gacan weyn ka siiya dowladda sugida amniga dalka,ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya ee xilka kasii  dagaya Augustina Mahiga ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iney u diyaar garoobaan dhisida ciidanka xoogga dalka Soomaaliya si looga kaaftoomo ku tiirsanaanta ciidanka AMISOM.

“dowladda waxaan u sheegayaa iney tababaro siiso isla markaane ay qalabeyso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,si aysan Soomaaliya u tabin marka ay baxaan ciidanka AMISOM ee hadda dalka ku sugan” ayuu yiri ergayga xilka kasii dagaya ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya 3-dii sano ee ugu danbeeyey Agustina Mahiga.

Augustina Mahiga ayaa sheegay inaan muddo loo qaban karin xiliga rasmiga ah ee ciidanka AMISOM ay ka baxayaan dalka Soomaaliya,wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer u gasho sidii ay u dhisi lahayd ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay u hantaan sugida amniga dalka AMISOM-ne ay ugala wareegaan hawlaha ay hadda dalka ka hayaan.

Mahiga ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney ka faa’iideysato mudada ay dalka joogaan  askarta AMISOM,isla markaane ay si buuxda u qalabeysaa ciidankeeda maadaama aysan  AMISOM  waligeed dalka joogeen sida uu hadalka u dhigay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles