Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay waxyaabaha diirada lagu saarayo shirka 5-aad ee horumarinta qaaradda Afrika oo maanta ka furmaya magaalada Tokiyo ee caasimadda dalka Japan, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Inj. Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaas looga wada hadli doono horumarka qaarada Afrika iyo sidii Soomaaliya loo siin lahaa taageero buuxda.
Inj. Yariisow ayaa tilmaamay in shirka si weyn loogu soo qaadi doono arimaha dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu casuumay inuu shirkaasi ka jeediyey qudbad ku saabsan sida loo hormarin karo dhaqaalaha qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Afhayeenka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Inj. Yariisow ayaa tibaaxay in dalka Japan oo isagu 5-tii sanaba mar marti galiya shirka horumarinta qaaradda Afrika uu si weyn u danaynayo arimaha Soomaaliya,isla markaane ay ka go’an tahay iney dadaal dheeraad ah ku bixiyaan dib u kabayshada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Wuxuuna xusay in R/wasaaraha dalka Japan uu dhammaan aqbalay codsiyadii uu hordhigay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,isagoona intaasi ku daray in madaxweynuhu uu ka dalbaday dowladda Japan iney dalka ka hirgaliso mashaariic horumarineed.
Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dalka Japan uu dhawaan shaqaalaha dowladda u furi doono tababarro,wuxuuna tilmaamay in Japan ay shaqo abuur u samayn doonto dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu ku hayso gudaha dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho