Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka oo ka digtay in lacago lagu soo furto dadka u xiran tuhunka la xiriira alshabaab

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dadka lagu soo qabqabto hawlgaladda ay ciidanka dowladda ka sameeyeen magaalada Muqdisho ee loo haysto tuhunada ku aaddan iney ka tirsan yihiin ururka alshabaab aan lagu sii deyn karin lacago laaluush ah iyo bargarasho toone, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen   oo maanta dadweynaha kala hadlayey Raadiyaha dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey arinkaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay iney ka war heleen iney jiraan qaar ka mid ah ehelada dadka lagu soo qabqabto hawlgallada ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ciidanka dowladda  ay  kusoo furtaan lacago laaluush ah oo sida uu tilmaamay ay siiyaan saraakiisha ciidamada,wuxuuna hoosta ka xariiqay in qofkii lagu qabto isaga ku hawlan arintaas ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

“Waxaan si cad u sheegayaa in qofka lacag isku daya inuu kusii daayo qof ku jira gacanta dowladda uu la mid yahay argagixiso,waxaanune ula xisaabtamaynaa sida argagixisada,waana qof galay fal argagixisanimo” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qofkii aan danbi lahayn uusan xabsiga kusii jireen isla markaane lasii deyn doono marka la xaqiijiyo inuusan ka tirsaneen alshabaabka dagaalka ka wada dalka,C/kariin Xuseen ayaa intaa ku daray inaan marnaba la aqbali karin in ruux danbiile ah lasii daayo isaga oo aan caddaalada la hor geynin.

Boqolaal ruux ee dad ay qaraabo yihiin ay ku jiraan xabsiyada dowladda Soomaaliya kadib markii lagu soo qabqabtay hawlgallo ka dhacay Muqdisho ayaa hor tubnaa xarunta danbi baarista CID-da halkaas oo ay ku xiran yihiin dadka eheladooda,waxayna sheegeen in masuuliyiinta dowladdu aysan si wanaagsan u qaabilin,waxayna ugu baaqeen dowladda in dadka u xiran ay maxkamad soo taago ciddii aan danbi lahayne ay xorriyadooda dib usiiso.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles