Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gen Julius Karangi”Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ku joogan sifo Sharci ah waxana ay ka baxayan markii AMISOM ku amarto inay baxaan”

$
0
0
Madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya  Gen Julius Karangi

Madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya Gen Julius Karangi

Nairobi[RBC Radio]Dowladda Kenya ayaa markale ka hadashey arrimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo joogitanka ciidamadooda ee Soomaaliya.

Gen Julius Karangi oo ah madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya  ayaa si kulul u sheegey inaysan jirin cid kenyati ah oo lug kulahed doorashadi 15kii May ka dhacdey magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose taaso lugu dortey madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe.

“Kenya wax lug ah kumaleh arrimaha siyaasaded ee ka jirta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo mana jirto anago markale ku celinayna ciid Kenyati ah oo ka qeyb qaadatey siyaasada shirarkii Kismaayo ka socdey”waxaa intaas hadalkiisa ku soo qadey Gen Julius Karangi oo ah madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkisa ku soo qadey Gen Karangi  in dadka u dhashey ee kunool deegaanada  Jubbal-and ay iyaga doorsho qabsadeen iyagoo  raacaya sharcigooda ay madaxwayna u doorteen  Axmed madoobe .

Dhinaca kale waxaa uu ka jawaabey hadal dhawan ka soo baxayey barlamaanka Soomaaliya hadalkaaso ku aadan in ciidamada Kenya ay ka kenayaan mushin ka dhan ah kaaso ay ku doonayan inay ciidamada Kenya ka baxan Soomaaliya,waxana arrinta uu uga jaawabey inay Soomaaliya ku joogan sifo sharci ah.

Ciidamada Kenya waxaa ay ku sugan yihiin deegaano badan ka katirsan gobolada Jubbooyinka waxana ku jogna Soomaaliya sifo sharci ah taaso ah in ciidamadenu qeyb ka yihiin ciidamada Soomaaliya kusugan ee AMISOM,ciidamadenuna Soomaaliya waxaa ay ka bixi karan oo kaliya marka AMISOM ay amarto inan ka baxno Soomaaliya“madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya  Gen Julius Karangi ayaa sidaa saxaafada u shegey.

Dhawaan ayey ahyed markii xubno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ay sheegen inay gudbiyin mushin ka dhan ah ciidamada Kenya ee kusugan gobolada Jubbooyinka.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles