Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Shirkii looga hadlayey arimaha Soomaaliya ee ka socday dalka Japan oo lasoo gabagabeeyey (Sawirro)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Yokohama(RBC) Shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Yokohama ee dalka Japan,shirka oo ay ka qaybgalayeen wafti ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlayey sidii dib u dhis iyo maalgashi loogu samayn lahaa dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya colaadihii sokeeye ee dalka ragaadiyey.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka jeediyey hadal dheer ayaa ka dalbaday beesha caalamka iney taageerto dowladda Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in la gaaray waqtigii uu caalamku isbabar taagi lahaa dowladda Soomaaliya.

Wuxuuna shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu hayo wadadii horumarka iyo nabadda isla markaane uu u baahan yahay gacan qabashada wadamada beesha caalamka si dalka looga saaro dhibaatada uu sanadaha badan kusoo jiray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon, Madaxweynaha Dalka Tanzaniya  Jakaye Kikwete ,ra,iisul wasaaraha Ethopiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto.

R/wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo isagu marti galiyey shirka ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu Soomaaliya siin doono taageero buuxda oo dhan walba leh,wuxuuna ballan qaaday iney dowladda Soomaaliya ula shaqayn doonaan si dhow.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxda dalka Japan sida ay iskugu hawleen qabashada shirkaasi caalamiga ah ee looga hadlayey dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Somalia Conference Japan1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Somalia Conference Japan
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Somalia Conference
Image may be NSFW.
Clik here to view.
japan shir
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh8
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh6
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
hh

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles