Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Jabaan oo sheegtey inay ballaarin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya

$
0
0
Ra’isal wasaaraha dalka Jabaan Shinzo Abe iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan

Ra’isal wasaaraha dalka Jabaan Shinzo Abe iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud

Yokahaama [RBC Radio]Ra’isal wasaaraha dalka Jabaan Shinzo Abe ayaa sheegey in xiligaan dowladdisu ay u soo jeesatey sidii ay gacan usiin laheyd dalka ay dhibaatadu hala keeyen  ee Soomaaliya.

Shinzo Abe Ra’isal wasaaraha dalka Jabaan ayaa sidoo kale hadalkisaa ku soo qadey in xiligaan qorshaha Jabaan uu yahay sidii ay u ballaarin lahayen taageerida ay siiso Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkisa ku soo qadey mr. Shinzo Abe in ay isku taxloojin doonan sidii ay gacan uga siin lahayen dowladda xiligaan ka jirta Soomaaliya amniga iyo in Soomaaliya ay mar kale cagahheda isugu taagto kadib markii muddo 22-sano ah uu dalka ku jirey coolaado kala gadisan.

Ugu danbeenti Ra’isal wasaaraha Jabaan Shinzo Abe ayaa sheegey in dhawaan Soomaaliya laga daaremi doono taageerida ay sinayaan iyagoona ka qeyb qaadana dib u dhiska dalka  iyo arrimaha horumarka.

Dalka Jabaan waxaa xiligaan ka socda shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo ay ka soo qayb galeen madax aad u badan,waxana shirkaan uu maantey ka furmay  magaalada Yokahaama ee dalkaasi.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles