Port Elizabeth [RBC Radio]Wararka anuu ka heleyno dalka Koonfur Africa gaar ahana magaaladda Port Elizabeth ayaa soo sheegeya in halkaas lugu diley ganacsade Soomaali ah oo mudo ku ganacsanayey dalkaasi.
Sida ay Raxanreeb u xaqiijiyen qar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyed ee ku nool dalka Koonfur Africa gaar ahana magaalada Port Elizabeth ayaa sheegey in ganacsadaahan geeryoodey ay soo weraaren kooxo madow ah oo u dhashey daalkasi kuwaaso dhowr meelod kaga dhuftey tooreey.
Ganacsadahan ayaa inta usan geryoon dhawac ahaan waxaa logu qadey isbitaalka Elizabeth xiligaaso tooreeydu ay kaga taley madaxa, caloosha iyo kaybo kale oo ka mid ah jirkisa balse xiligii lageeyey isbitaalka ayuu ganacsadahani udhintey dhaawici soo garey.
Arrintaan ayaa la sheegey inay ka danbeysey ka dib maarkii dhawan nin Soomaali ah uu dil u geystay laba nin oo u dhashay Zimbabwe oo uu ku eedeeyey in ay doonayeen in uu boob ugesto goobtisa ganacsiga isago isdifaacayana ay dhinten labadasi nin.
Dilka loo gestey ganacsadahaan ayaa ka dhigeysa inay wali socdaan dhibaatooyinka lugula kacayo ganacsatada Soomaaliyed ee ku ganacsata dalkaasa.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio