Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

C/qaasim Salaad Xasan oo shacabka ku booriyey iney dowladda taageeraan si dhibka looga boxo,kana hadlay arimaha jubooyinka

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qaahira(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya ay xalin karaan dadka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dalku uu xiligan ku tallaabsanayo horumar iyo ifafaalo nabadeed.

C/qaasima Salaad Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan dowladooda,wuxuuna ammaanay tallaabooyinka ay qaaday dowladdu qaaday oo uu ku tilmaamay iney yihiin bilow wanaagsan oo mudan iney halkaa kasii wadaan masuuliyiinta dowladda hogaaminaya shacabkune ay ku gacan siiyaan dadaalkooda si ay u rumowdo in Soomaaliya laga saaro dhibaatada ay ku raagtay.

Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in sida kaliya ee ay dadka Soomaaliyeed mar labaad ku walaaloobi karaan ay tahay in la isku keeno waxgaradka Soomaaliyeed si ay uga xaajoodaan waxyaabihii ummadda kala gaaray 22-kii sano ee ugu danbeeyey iyo ka hor burburkii dowladdii Jaalle Maxamed Siyaas Barre.

“waxaa loo baahan yahay in la iskugu yeero cuqaasha iyo waxgadarka ummadda Soomaaliyeed si ay uga wada xaajoodaan  dhibaatooyinkii kala gaaray dadka Soomaaliyeed,si ay ummadda heshiis dhab ah u dhex-dhigaan,waana in laga xisaabtamaa wixii la isgaarsiiyey  shacabkane loo kala celiyaa hantida ma guurtada ah,isla markaane laga heshiiyaa dhibaatooyinkii la isgaarsiiyey,la iskane cafiyaa wixii dhibaato ah ee la isku geystay,si loosoo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

 

Jubooyinka

Madaxweyne C/qaasim Salaad oo ka hadlayey arimaha Jubooyinka ayaa sheegay in goboladaasi ay yihiin gobolo Soomaaliyeed isla markaane ay wada leeyihiin Soomaalidu balse wuxuu si gaara u xusay in  codka iyo go’aanka aayo katalinta goboladaas ay xaq u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka u dhashay.

Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku mideysan yihiin dhammaan bulshada goboladaas isla markaane ay ay raali ka wada yihiin oo ay iyagu doorteen ,kuna yimi rabitaankooda.

Wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay ku lahaato shirkaas doorkeeda dowladnimo,maadaama ay iyadu dalka dowlad u tahay,wuxuuna sheegay iney habboon tahay in dowladda ay wax ka ogtahay dhisida maamulkaas si ay u siiso taageerada uu u baahan yahay oo dhaqaaluhu uu kow ka yahay.

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu danbeyntii alshabaab ugu baaqay iney xabbada joojiyaan isla markaane ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna ka waantoobaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay faragalinta ay dalka ku hayaan dowladaha dariska,wuxuuna alshabaab ugu yeeray iney dagaalka Joojiyaan si aysan dalalka derisku u helin marmarsiiyo ay kusii joogaan dalka isla markaane ay kusii wadaan faragalinta qaawan ee ay dalka ka wadaan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles