Jowhar(RBC Radio) Kooxo hubaysan ayaa xalay Fiidkii toogtay gudoomiyihii xaafadda Hantiwadaag magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe,wararka aan ka heleyno Jowhar ayaa tilmaamay iney dilka geysteen 3 nin oo ku hubeysnaa Bistoolado kuwaas oo marka ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.
Gudoomiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen C/llaahi Yicib ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu kasoo baxay Salaadda Maqrib,waxaana la tilmaamay in raggan hubeysan ay la dheceen rasaas fara badan taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabelaha dhexe ahna ku simaha gudoomiyaha gobolkaas Yuusuf Cabdi Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dilka Marxuum Xuseen C/llaahi Yicib gudoomiyihii xaafada Hantiwadaag ee degmada Jowhar.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay iney wadaan hawlgallo ay ku baadi doonayaan kooxihii dilka u geystay gudoomiyaha xaafadda Hantiwadaag,wuxuuna tilmaamay iney gacan ku dhiiglayaashaas soo qaban doonaan caddaaladane ay horkeeni doonaan,wuxuuna dusha ka saaray masuuliyadda weerarkaas ururka alshabaab.