Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalaya shir gaara oo uu marti galinayo R/wasaaraha dowladda Japan kaasoo looga hadlayo arimaha Soomaaliya,shirka oo maanta ka furmaya magaalada Yokohama ee dalkaasi Japan ayaa waxaa si wadajir ah u shirgudoominaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha wadanka Japan Shinzo Abe.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ah waftiga madaxweynaha ee ku sugan dalka Japan ayaa warfidiyeenka uga warbixiyey shirka maanta ka furmaya magaalada Yokohama ee dalka Japan,wuxuuna sheegay in ujeedka shirkani uu yahay in lagu taageero dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in dalka Japan oo xiriir wanaagsan la leh dalalka Afrika uu go’aansaday iney horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya ku yeesho door hogaamineed oo muuqda,wuxuuna xusay in shirkan lagu soo beegay qabashada shirka 5-aad ee horumarinta Afrika kaasoo Japan ay qabato 5-tii sanaba mar.
Afhayeenka dowladda ahna la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Inj. Yariisow ayaa tilmaamay in shirka waxyaabaha sida gaarka uu madaxweynuhu uga hadli doono ay ka mid yihiin,maadaama shirkii London ee arimaha Soomaaliya diirada lagu saaray ka taageerida dowladda Soomaaliya dhinacyada amniga,dib u dhiska garsoorka iyo dib u habaynta kaabayaasha dhaqaalaha uu madaxweynuhu qorsheynayo inuu shirka hordhigo qodobo kale uu dalku baahi weyn u qabo.
Wuxuuna tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu shirka maanta ka dhacaya magaalada Yokohama ee dalka Japan inuu ka codsan doono dowladaha iyo hay’adaha ka qaybgalaya iney Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada dib u dhiska Dekedaha,Wadooyinka,Garoomada diyaaradaha,Beeraha,Kalluumeysiga iyo Caafimaadka.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in arimahani ay yihiin baahida qaranka ee taaagan una baahan in laga taageero dowladda Soomaaliya, Yariisow ayaa sheegay in shirka ka hor ay kulmi doonaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaaraha Japan Shinzo Abe,wuxuuna intaa ku daray in waftiga madaxweynuhu ay Japan ku sugnaan doonaan ilaa 3-da Juunyo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho