Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadnaha Amnesty international ayaa si weyn uga hadashey baahida loo qabo in Kenya ay dib u bilowdo diiwaan galinta qaxootiga soomaalida ah ee xuduudaha ka soo talaabaya.
Justaas Yangaaya agaasimaha Amnesty international laanta dalka Kenya ayaa u sheegey dowladda Kenya in qaxootiga Soomaalida ay ku dhibtoodan soo galida guddaha dalka Kenya iyagoo wali ka soo cararaya xasilooni dari ka jirta qeybo kamid ah gobolada koonfured ee Soomaaliya.
Justaas Yangaaya ayaa sheegey inay daruuri tahay in dib loobilaabo diiwaan galinta qaxootiga soomaalida tasina sida uu sheegey lobahan yahay in Kenya ay eegto dadka dhibatesan ee dariskoda ah kuwaaso masaafo dher usoo gala si ay u helan caawin.
Waxaa sidoo kale uu ku dhaliilay Kenya agaasimaha Amnesty international laanta dalka Kenya in ay dowladda Kenya ka joojiso hanjabaadeeda ay u jeedinayan Soomaalida dhibta ka soo carareysa.
Sidoo kale Kenya waxa uu ku amaney dorki muqdey ee ay ka qadatey dib u dajinta kumanan Soomaali ah oo usoo cararey dalkoda,waxana gaba gabadi uu ku booriyey dowladda Kenya inay uu ogalato Soomaalida in ay dalka soo galaan.
Kenya ayaa si weyn u ilaalisa xuduuda ay lawadagto Soomaaliya iyadoona mararbadan joojisey inay soo gudban dadka Soomaalida ah kadib marki ay guddaha dalkasi ay ka dhacen falal amniga lidi ku ah taaso saamen uga dhintey Kenya inay uga timid dhinaca Soomaaliya dadka fuliya falalkaas.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio