Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20353

Golaha wasiirada oo soo dhaweeyey go’aankii ay mudanayaashu uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

$
0
0

 

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda,kulanka  Todobaadlaha ee golaha wasiirada oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayey kusoo dhaweeyeen tallaabadii ay baarlamaanku ku joojiyeen Mooshinkii xukuumadda ay ka keeneen.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo gabagabeeyey ayaa xildhibaanada ku ammaanay go’aankii ay kaga laabteen Mooshinkii Xukuumadda uu hogaamiyo ka dhanka ahaa kasoo ay soo gudbiyeen xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo dhaliilsanaa waxqabadka xukuumadda.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay arimo kale oo ku saabsan xaaladaha dalka sida arimaha Jubooyinka, wada-hadalada ay dowladdu kula jirto maamulka Soomaaliland dadaalada Muqdisho laga wado iyo horumarada laga sameeyey gobolada dalka.

“Si wadajir ah baan u xalinay dareenkii xildhibaanadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dawladda kala duwanaanta fikirka hadii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga faa’iidaa, waxaana oran karaa, ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysanay mooshinka, maanta iyo maantii mooshinka la bilaabay maantaan kalsooni badanahay” ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda oo ka hadlayey arimaha Jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu ay leedahay dhisida maamul goboleedyada dalka,wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay dooneyso iney dhisida maamul goboleedyada dooneyso waafajinta Dastuurka dalka u yaal.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20353

Trending Articles