Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu diiwan galiyey ajaanibta dalka ku sugan taliyaha hogaanka iyo Socdaalka dowladda Soomaaliye Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diiwaan galiyey ajaanibta dalka ku sugan.
Gen. Gaafow ayaa tilmaamay in la diiwaan galiyey 1345 oo ajaanib ah kuwaas oo sida uu sheegay iskugu jiray Diblamaasiyiin,Shaqaalaha hay’adaha Samafalka iyo shaqaalo shirkado ganacsi oo dalka hawlo kala duwan ka qabta,wuxuuna tilmaamay iney arintaasi uga gol leeyihiin sidii ay uga warqabi lahaayeen ajaanibta dalka ku sugan iyo waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.
Taliyaha hogaanka ayaa sheegay iney diyaaradaas kusameeyeen baaritaan kooban oo uu tilmaamay iney ku doonayeen iney ku baaraan Dukumiintiyada Rakaabka saaran oo qaarkood looga shakiyey iney wateen kuwo been abuur ah,wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in diyaaradaas la is hortaagay.
Taliyaha hogaanka iyo Jinsiyadaha socdaalka dowladda Soomaaliya ayaa hore muddo ugu qabtay iney isku soo diiwaan galiyaan ajaanibta dalka ku sugan si loola socdo tiradooda iyo waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho