Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone oo maantey gaaray Dhoobley

$
0
0
Ciidamamadda Sierra Leone

Ciidamamadda Sierra Leone

Dhoobley[RBC Radio]Sida uu xaqijiyey guddoomiyaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose Axmed Xasan Qeex oo maantey la hadley warbaahinta ayaa sheegey in ciidamo ka socda dowladda Sierra Leone oo an lacayimin tiradooda inay ka soo dagen Dhoobley.

“Ciidamadan tiradooda illa xiligaan lanoomasheegin lakin waa ciidamo ay kentey dowladda Sierra Leone kuwaso ka qeyb qadan doona Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee xiligan ka socda Soomaaliya waxana imaatinkoda ka qeyb qadanayey diyaarado  helikobtarro kuwaaso dejinayey“waxaa inta u sheegey warbaahinta guddoomiyaha degmada Dhoobley.

 

Guddoomiyaha  degmada Dhoobley Axmed Xasan Qeex  oo hadalkisa siiwata ayaa caddeyey in ciidamadan maantey yimid ay waten islamarkana ay ku hubesnayen 100 gaadiidka gaashaamman ee dagalka.

Qeex  guddoomiyaha degmada Dhoobley ayaa inta ku darey in ciidamadan ay qeyb ka yihiin ciidanka Sierra Leone oo ka kooban 850 askari oo  la dejin doonaa gobollada Gedo iyo Jubbooyinka,waxana uu inta ku darey in ciidamadi maantay soo garey gobolka  Jubbada Hoose  qarkod ay ugudben deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Bilowga howlgalka ciidamada Sierra Leone ayaa lugu wada inay garan  degmada Bu’aale halkaaso xiligan gacan ku hayentoda ay hayan ciidamada Alshabaab.

Dowladda Sierra Leone  ayaa horey ubalan qadey in ciidamo dalkeda ka socda ay ka qeyb qadan doonan howlgalka kasocda Soomaaliya ee ay wadaan Midowga Afrika ee AMISOM waxana si gar ah ay ugu qeyb gadan doonan xasilinta gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles