Madaxwayne dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa soo dhamestiray golahisa wasiirada ee xukumadisa kadib markii uu maantey ku dhawaqey labadi wasiir ee ka dhined.
Labadan wasiir ee maantay lamagacaabey ayaa kala ah Joseph ole Lenku iyo Kambi Kazungu.
Joseph ole Lenku ayaa noqonaya wasiir arimaha gudaha iyo isku duba ridka howlaha dowlada,halka Kambi Kazungu uu isna noqon doono wasiirka shaqaalaha.
Wasiiradan ayaa maraya wadadii ay horey umaren 16-dii wasiir ee ka horeyey taasi oo ah in gudiga magacaabida ay ay dib u eegis ku sameeyaan,sidoo kale waxay marari doonan mr Kambi Kazungu iyo mr lenku markii ay ansixiyaan gudiga baarlamaaniga ayaa waxa loo gudbin doonaa aqalka baarlamaanka si ay uga doodaan u ansixiyaan amaba u diidaan.
Dadka Kenyatiga ayaa siweyn u dhowrayey labada wasiir ee ka dhina xukuumada madaxweyne Uhuru kenyatta waxana dadka muddadi danbe isla dhaxqadayey ciida loo magacabidoono wasiirka arimaha dibada iyo isku duba ridka howlaha dowladda.
Madaxwene Kenya Uhuru kenyatta ayaa labada wasiir ee uu maantey so magacabey waxa ay ka dhigesa inuu hogaminayo xukumad buuxda taaso horkici doonta dalka Kenya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio