Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta magaaladda Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Isku Furanka Haweenka,waxaana soo qabanqaabiyey Cisbitaalka Bandarqaasim iyadoona ay Maalgelisay Hay’adda UNFPA.
Munaasabada lagu Xusaayey Maalinta Isku Furan ayaa lagu qabtay Jaamacadda Culuunta Caafimaadka ee Boosaaso,waxaana kasoo qeybgalay Dhakhaatiir ka tirsan Cisbitaalka Bandarqaasim,Saraakiil ka socotaya Hay’adaha Caalamiga,Ardey iyo marti sharaf kale.
Furitaanka Munsaabada ayaa Dr Axmed Cali oo kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Bandarqaasim Boosaaso uu ka Sheekeeyey dhibaatada uu leeyahay Cudurka Isku Furanka.
...”"” Cudurka Isku Furanka caam ahaan waxaa loo kala saaraa laba nooc mid waxaa la yiraahdaa Isku furanka Xaga danbe oo marka waxa Isku furmaya xagii Dumarka iyo waxaa Isu furmaya xagii Saxara mareenka Xagaa marka Hooyadu waxay yeelaneysaa Saxaro dareereysa,neeftii iney Ceshanweyso taasi marka dhibka ay keeneyso waad dareemeysaan…..”"”ayuu yiri Dr Ahmed Ali.
Dr Shaandheeye oo isna faahfaahin qoto dheer ka bixiyey ayaa si kulul ugu eedeeyey dhibaatada Cudurka Isku Furanka Haweenka ku keena Umiliso dhaqameedyada kuwaas oo aan lahayn aqoon ku filan.
Baxsan Axmed Siciid oo ka socotaya Hay’adda UNFPA ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta Isbitaalka Bandarqaasim laga bilaabi doono Qaliinada Isku furanka isla markaana daawadu tahay tahay mid lacag la’aan ah.
Waxay intaas ku dartay Baxsan in Hay’adda UNFPA mar kastaba diyaar ula tahay Haweenka Soomaaliyeed ee dhibaatada Isku furanku soo wajahdo iney ka gacansiiso adeegyada Caafimaad ee ay u baahantahay.
…”"Dhibaatooyinka haweenka soo gaara waxay kow ka yihiin ama wadnaha UNFPA kaga yaalaan dadaalada ay ugu jirto iney wax ka qabato hooyo kasta oo Uur leh ay u heli lahayd adeeg Caafimaad oo dhameystiran….”"”ayuu yiri.
Waa Lacag la’aan Adeega Caafimaad!!
Waxay intaas ku dartay …”"” Haddii dadku aysan haysan dhaqaale ay ku yimaadaan Boosaaso in dib loogu celin doono oo ay soo amaahan karaan lacagaha ay ku imaanayaan,noloshooda inta ay joogaan waxaa debiri doona Isbitaalka,daaweyntana waa bilaash,…”"ayey tiri.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Abshir Xuseen ayaa sheegay iney jiraan goobo Caafimaad oo ay sameysay Wasaarada Caafimaad halkaas oo lagula dagaalamayo Cudurka Isku furanka,wuxuuna bulshada ka codsaday iney tagaan goobahaas.
Macnaha Isku Furanka!
Isku furanka waa Xaalad Caafimaad daro kaas oo ka yimaada dalool ka dhex sameysma saxaaxa iyo malawadka ama kaasi haysta iyo Saxaaxa,kaas oo ay sababto fool-dheer,adeeg caafimaad oo aan jirin iyo umuliso aan xirfad lahayn.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO,qiyaastii 50,000 ilaa 100,000 oo haween ah ayaa waxaa asiiba Iskufuranka sanadkasta ,in ka badan 2-milyan oo haween ah ayaa qaba Iskufuranka oo kunool dunida oo dhan.waxayna Hay’adda Caafimaadka aduunku waxay sheegtay in inta badan dalalka horey umaray laga ciribtitay dhamaadkii qarnigii 19-aad.
ilaa hadda waxay sameysay 2-ilaa 3 malyan oo haween ah kuwaas oo kunool dalalka soo koraya.
_____________________________
Cismaan Turaabi