Garoowe (RBC RADIO) Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Puntland ayaa Maanta 7 dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay ka dambeeyeen Dilkii (AUN) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo 15kii Fepruary lagu dilay Masjid Beder ee ku yaala Magaalada Garoowe xilli uu u taagnaa Salaada Casar ayna ku beegnayd Maalin Jimce ah ku xukuntay Dil Toogasho ah.
Xukunkan oo aysan Saxaafada Goob Joog ka ahayn ayaa xukunkan wuxuu ka dhacay sida Wararku nagu soo gaarayaan Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal Magaalada Garoowe waxaana Maxkamada la horkeenay C/raxmaan Xuseen jaamac Bille oo ah ninka Sheekha Gacantiisa ku dilay iyo C/laahi Cismaan Axmed oo ahaa abaabulihii Falkan Sheekha lagu dilay waxaana Ragan loo yeelay Qareemo u dooda Ugu dambeynah waxay Maxkamadu Dil ku xukuntay 7 qof oo ragan ay ku jiraan oo ay ku cadaatay Nin ay dilka ka dambeeyeen kadib markii Marqaatiyo iyo Qirashoba lagu soo bandhigay Madasha.
Ragan dilka lagu xukumay ayaa 5 ka mid ah aysan Goobta xaadir ku ahayn oo aan la hayn balse xukunka uu ku dhacay waxaa Madasha lagu soo bandhigay Biskooladii lagu dilay Sheekha iyo waxyaabo kale oo qarxa oo Ragan ay sheegeen in ay ku aasnaayeen Magaalada Garoowe qoshana la doonayay in lagu fuliyo balse ay iyagu fashiliyeen, Raga aan lahayn ee la xuikumay waxaa ka mid ah.
1- Mawliid Maxamed
2- Maxamed C/laahi Ilkacase
3- Shaqalle Xasan Haybe
4,Buni Maxamed, iyo ninkale oo lagu soo koobay magaciisa Shiine.
Dilkii Sheekh C/qaadir oo Muslimiinta Caalamka ay aad uga xumaadeen noqonayana Markii ugu Horeesay oo Puntland lagu dilo Ruux Alle hortaagan oo Salaad ku jira ayaa 30cisho oo Racfaan ah la siiyay Ragii Dilka lagu xukumay waxaana dad badan ay sugayeen in lasoo dadajiyo Xukunka ragan si loo mariyo Waajibaadkooda.
RBC RADIO.