Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Isu soo bax lagu soo dhaweynayo go’aankii lagu baajiyey Mooshinkii laga keenay Xukuumadda oo Muqdisho ka dhacay

$
0
0

 

Bannaanbax lagu taageerayey baajinta Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa socod dheer saaka ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kuwaas oo markii danbe iskugu ururay Barxadda Sayidka ee ku dhow afaafka hore ee aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Shacabka dibadbaxa dhigayey ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku taageersan yihiin xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon,waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo ay ku nmuujinayaan dareenkooda ku saabsan sida ay usoo dhawaynayaan ka noqoshadii Mooshinkii laga keenay xukuumadda.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa hadalo u jeediyey dadweynaha bannaabaxa kasoo qaybgalay xiriiriyaha degmooyinka gobolka Banaadir Mukhtaar dhega Cadde ayaa ku sheegay ujeedka dibadbaxa maanta inuu ahaa mid ay shacabka Muqdisho ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan taageerada ay u hayaan xukuumadda hadda jirta iyo sida ay usoo dhaweynayaan go’aankii ay mudanayaasha baarlamaanku uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda R/wasaare Saacid.

Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa isne sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay iskugu soo bexeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsan yihiin dadaalada bilowga ah ee ay wado xukuumadda dalka ee uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo isne ka mid ahaa masuuliyiinta gobolka Banaadir ee hadalada ka jeediyey isu soo baxaas ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xiligan u baahan yihiin horumar balse aysan dooneen wax dumin sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in shacabka Soomaaliyeed ay taageeri doonaan cidda wanaagga dalka u horseedeysa isla markaane ay si cad uga hor imaan doonaan cid walba oo isku dayda iney carqaladeyso horumarka bilowga ah ee ka jira Soomaaliya.

Bannaanbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uu shalay ku dhawaaqay inuu joojiyey Mooshin ka dhan ahaa xukuumadda oo ay keeneen mudanayaasha baarlamaanka kaasoo shalay loo ballansanaa balse uu gudoonku sheegay in la joojiyey kadib markii ay Mooshinkaas ka laabteen intii badneed mudanayaashii soo gudbiyey.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles